Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 4-aad ee kalfadhiga 7-aad.
Ajandaha kulanka maanta ayaa waxaa uu ahaa ansixinta xubin ka mid noqoneysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran.
Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 31-xubnood waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha aqalka saree e barlamaanka federaalka Soomaaliiya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay ku wehlinayeen labadiisa ku xigeenka.
Ugu dambeyn dhammaan 31- ayaa cod akhlabiyad leh ku ansixiyay Xubinimada, Marwo Sacdiyo Shuuriye oo kamid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.