Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Maanta oo Arbaco aheyd xukuntay in xabsiga laga sii daayo Wariye Maxamed Cawaab Nuur (Abuuja)
Saxafigaan ayaa in muddo ah Xabsiga Laamaha Amniga Dawlada Soomaaliya ku hayeen iyadoo lasoo tebinayo in uu gacansaar la leyahay alshabaab iyadoo Eedii loo jeediyey in lagu waayey.
Labo Cisho ka hor ayey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida u fadhiisatay dacwada lo oheystay Saxafigaan Abuuja,taas oo go’aanka ay sheegtay in dib kasoo sheegi doonto.
Abuuja ayaa sii deyntiisa kadib warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay in dib xoriyadiisa u helo,isagoo umahad celiyey Ururada Saxaafada ee ka qeyb qaatay.