Taliska AFRICOM ayaa beeniyay warbixinada sheegaya in seddex carruur ah lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo koonfurta Soomaaliya lagula beegsaday xubno katirsan al-Shabaab, Arbacadii lasoo dhaafay.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa warisay in Mareykanku duqeyn xagga cirka ah oo uu ka fuliyay meel u dhaw magaalada Jilib ee gobolka jubbada dhexe, 29kii July lagu dilay seddex caruur ah oo ku ciyaarayay meel u dhow xarun lagu bartilmaameedsaday weerarka.
Saddexda carruurta ah oo sawirrada maydadkooda kasoo muuqday baraha internetka, ayaa lagu kala magacaabaa, Abuukar Ahmad Mohamad oo 8-jir ah, Cabdisamad Hussein oo 12-jir ah iyo Cabdulaahi Mohamad, 13 jir.
Taliska Maraykanka waxa uu sheegay inuu soo gabagabeeyay qiimaynta weerarka, isagoo sheegay inuu dilay 1 xubin oo katirsan Alshabab laguna dhaawacay mid kale duqaynta dhacday 29-kii July.