Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan la gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay deegaannada qaar ee ka mid ah degmooyinka Dalka.
Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu muuqan lahaa doorka hey’adaha gargaarka ku leeyihiin bad baadinta nolosha dadka.
Shir jaraa’id oo uu Maanta Wasiirka ku qabtay xafiiskiisa ayuu ku faahfaahiyay xaaladaha fatahaadda ee saameeyay deegaannada qaar ee dalka.
Wasiirka waxa uu ka hadlay saameynta gaar ahaan roobabkan ku yeesheen degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan goballada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellada Hoose.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay hey’adaha ka shaqeeya gargaarka in ay sida ugu dhaqsiyahabadan uga jawaabaan xaaladdan soo cusboonaatay.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu ka hadlay halis cusub oo ku soo biirtay diiwaanka musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya.