Dagaalyahanada katirsan Al Shabaab ayaa waxay maanta la wareegey gacan ku heynta Deegaanka Goof guduud Buureey Ee Gobolka Bay kaasoo ay iskaga bexeen ciidamadii dowlada ee halkaasi ku sugnaa.
Al Shabaab ayaa baraha internet-ka ay wararka ay ku faafsadaan waxay ku sheegeen in ay si dagaal la’aan ah ku qabsadeen Goof guduud ee duleedka magalada baydhaba.
Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in ciidamada Meliteriga ee ku sugnaa deegaanka Doynuunaay ay isaga baxeen maalintii shaley kadib kolkii ay dagaal culus kala kulmeen ciidamada alshabab.
Warar ayaa intaasi ku daraya in Daynuunaay ay sidoo kale Qabsadeen Al Shabaab, Taasoo noqoneysa deegaankii labaad oo ay la wareegaan ciidamada alshabab tan iyo shalay.
Dhinaca kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada dowlada ama kan maamulka baydhabo oo ku aadan dagaalada ka socda duleedka magalada baydhaba.