Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel jaale ee duleedka magaalada Marka, sida Warbaahinta ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kadib markii Alshabaab ay weerareen fariisin ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen deegaankaas, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare, balse weli si dhab ah looma xaqiijin karo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxay tilmaameen iney iska difaaceen weerarka uga yimid Al-shabaab, waxayna intaa ku dareen in dagaalka ay ku dileen sargaal sare oo ka tirsan dhinaca weerarka soo qaaday, balse wax tafaasiil ah oo intaas dhaafsiisan ma bixin.
Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Alshabab oo ku aadan weerarka ay qaadeen walow ay dhaqdhaqaaqyo beryahan ka wadaan guud ahaan deegaanada maamulka koonfur galbeed.