Guddoomiyaha Golaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuuris lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu ku sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ku sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka gaar ahaan qodobka 27aad oo ah Xeerka maareynta Maaliyadda Guud ee dalka oo ay waxka bedel ku sameeyeen.