Alshabab oo Weeraray Saldhig Ay Degenaayeen Ciidamada Dowlada oo Ku Taala Magalada Garbaharey

0
153

Al-shabaab ayaa waxay xalay weerar ku qaadeen saldhig ay deganaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku yaalla magaalada Garbaharey ee Gobolka Gedo, waxayna iska cabin kala kulmeen askartii daganeyd barta ciidan oo ay weerareen.

Weerarka ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu ahaa madaafiic lagu tuuray goobta, hase-ahaatee uu markii dembe noqday dagaal foolka fool ah. Sida ilo deegaanka ah ay u sheegeen idaacaddaas.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaas ka dhashay. Laakiin waxaa kor usii kacaya weerarrada Al-shabaab ay ku qaadayaan deegaannada Jubaland, habeen hore ayeey weerareen degmada Luuq oo Gedo ka tirsan iyo Baar sanguuni oo ah Jubbada hoose.

Weerarada alshabab ay beryahan ku qaadayaan xerooyinka ciidamada ayaa noqonaya kuwo sii bedanaya shaleyto ayey aheyd kolkii ay weerar ku qaadeen xero ay ciidamada dowlada ka degenaayeen magalada muqdisho.