Maamulka Gobolka Banaadir oo Lagu Wareejiyey Masuuliyada Waxbarashada Gobolka

0
250

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Guddoomiyaha gobolka Banadir ugu wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda, oo ay hore gacanta ugu haysay wasaaradda waxbarashada dalku.

Tallaabadan ayaa imaneysa kadib markii uu dhawaan is-afgarad uu dhexmary guddoomiyaha gobolka banaadir iyo wasaarada waxbarashada oo iyadu markii hore gacanta ku haysay maamulkeeda.

Is-afgaradka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbarashada caasimadda ayaa ah mid waxbarashada loogu daadejinayo heer gobol, iyada oo laga duulayo nidaamka federaaleynta sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka ee iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo hadal ka jeediyay munaasibada wareejinta ayaa si wada-jir ah u sheegay in tallaabada maanta ay muhiimad gaara u leedahay bulshada gobolka, taasi oo qeyb ka ah tayeynta waxbarashada.

Waxayna mas’uuliyiintaasi hoosta ka xariiqeen in dowladda Farmaajo ay dadaal xooggan ku bixisay tayeynta heerka waxbarasho ee dalka, iyo weliba daadejinta hanaanka loo maamulo waxbarashada.