
Ciidamada Howlgalka Africom ayaa la sheegay in maanta inay ay duqeymo dhinaca cirka ah ka kala fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Jubbada Dhexe & Shabeellaha Hoose.
Diyaaradaha ayaa waxaa la sheegay inay duqeeyeen degaanka Haway ,waxaana Saraakiil Ciidan ay sheegeen in lagu dilay duqeyntaas Sarkaal lagu Magacaabi jiray Daahir Macalin iyo Xubno kale walow aysan si bixin faah faahino kale.
Dhinaca kale duqeyn diyaaradeed ayaa waxaa ay ka dhacday duleedka degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ay sheegeen in lagu dilay ku xigeenka Al-Shabaab oo lagu Magacaabi jiray Axmed Nuur.
Si kastaba arintu ha ahaatee Duqeymaha Diyaaradeed ee ka dhaca degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka & Shabeelaha Hoose ayaan waxba ka bedelin dhibaatooyinka la sheegay in ay alshabab halkaasi ka geystaan.