
Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlayay falalka Amni darro ee mararka qaar ka dhaca wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin Arrimo Siyaasadeed.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in waqtigii uu joogay Amniga wadadaas ay aheyd mid wanaagsan,hayeeshee haatan aysan mas’uuliyiinta mari karin,isaga oo sheegay inay sabab u tahay Arrimo siyaasadeed oo kajira degaannada Hir-Shabeelle.