
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warasame oo maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amni ee xiligan uu dalka Marayo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadlay weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee xamar, waxaa uuna sheegay in weerarkaasi la fududeeyay, islamarkaana ujeedo gaar ah laga lahaa.
Siyaasiga ayaa waxaa uu si kulul u eedeeyay Hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee Soomaaliya, isagoona ku dhaliilay in hay’ada nabad sugida ay xubno Al-Shabaab ah ka sii daayeen xabsi dhexe ee xamar.
Siyaasiga ayaa sheegay in ay tahay mid aad looga xumaado wixii ka dhacay maalintii shaley xabsiga dhexe ee xamar.