
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faahfaahin aan dhameystirneyn ka bixiyey weerarkii galabta ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaas oo lasoo afjaray fiidkii hore ee caawa.
Taliye Mahad waxa uu sheegay in weerarka ay fulyeen qaar ka mid ah maxaabiixtii ku xirneyd xabsiga, kuwaas oo askari ka marooqsaday qorigiisa, kadibna toogtay.
Sidoo kale qori labaad ayuu sheegay in uu gacanta u galay kooxdaas, kadib markii ay toogasho ku dileen askarigii lahaa oo saarnaa meel kore oo waardiye uu ka hayey.
Taliyaha Asluubtu haba yaraatee sooma bandhigin khasaarihii labada dhinac ee ka dhashay weerarkaas, sidoo kale waxa uu ka gaabsaday inay jiraan maxaabiis ka baxsatay xabsiga, intii uu iska hor imaadku socday.
Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in uu baxsaday nin ka mid ah ragii ka dagaalamayey gudaha xabsiga, kaas oo qof shacab ah banaanka ku sii dilay, isla markaana ku baxsaday mooto uu si xoog ah ku kaxeystay.