Wasiirka Cadaalada oo Ka Hadley Weerarkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe

0
116

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jireen dad maxaabiis ah, weerar shalay gelinkii dembe ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib markii rag maxaabiis ah ay hub si fudud u heleen, waxaana dadka dhintay kamid ahaa askar ka tirsan ilaalada xabsiga.

Sii hayaha wasiirka wasaaradda cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay iney socdaan baaritaanno ku aaddan sida maxaabiista dagaalka gashay ay hubka ku heleen, isagoo intaa raaciyay in aad looga shaqeyn doono ammaanka maxaabiista.

Maxaabiista xabsiga ka dhex dagaallantay oo ugu dembeyn la toogtay qaar kamid ah ayaa ahaa xukunsanayaal loo haaysatay dembiyo kala duwan.

Taliyaha Ciidamada asluubta Soomaaliya korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo isagana la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in maxaabiista qaar ay hubka ka qaateen laba kamid ah askarta ilaalada xabsiga, kadibna ay sidaas ku dagaallameen.