Xildhibaanad Sheegtey In Xukuumada Awoodeeda Aysan Gaarsiisaneyn in Ay Ka Taliso Suuqa Bakaaraha

0
141

Xildhibaan Sacdiyo Salaad Samatar oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo mida siyaasadeed, xilli haatan lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah.

Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa sheegtay inay korortay saddexdii sano ee ugu dambeysay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, iyada oo tilmaamtay in xaafadaha qaar aysan tagi karin mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda amni darro aawgeed.

Sacdiyo ayaa tusaale u soo qaatay dhacdo la yaab leh oo qabsatay, kadib markii iyada oo wejiga u xiran yahay ay booqatay Suuqa Bakaaraha, waxaana ay shaacisay in markii ay suuqaasi tegtay ay si weyn uga argagaxeen ehelladeeda oo u baqay amnigeeda.

Sidoo kale waxay is-weydiisay, sida ay xilligan ku suura-geli karto doorasho qof iyo cod ah oo ay haatan qorshaheeda wado dowladda, iyada lagu jiro marxaladaasi amni.