Sii hayaha wasiirka Dastuurka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qabsoomida shirka la filayo in 15-ka bishan August uu ka dhaco gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.
Wasiirka oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in haatan ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirkaasi oo ay isku arki doonaan madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasada dalka.
Sidoo kale Saalax Axmed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay weli ka biya diidsan yihiin ka qeyb-galka shirkaasi, balse wuxuu tilmaamay inay haatan socdaan dadaallo lagu qancinayo maamulladaasi.
Wasiirka Dastuurka ayaa carabka ku goday in dadaalladaasi ay hormuud ka yihiin madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in kulamo goono gooni ay ka socdaan caasimada, kuwaasoo looga tashanayo qabsoomida wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb.