
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmada Kuntuwaarey oo ka tirsan Gobolkaas oo muddo dheer ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada Danab ayaa hadda waxay wadaan howl-gal dhinaca xaafadaha kala duwan ka socda, iyagoo sidoo kale saldhigga magaaladaas kasii daayay dad ku xirnaa, sida ay u sheegeen warbaahinta.
Dhinaca kale saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta maxalliga ah waxay kasoo xigatay in ay qabteen saraakiil ka tirsan Alshabaab, hase-ahaatee ma jiraan ilo madax bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.
Ma jiraan war kasoo baxay dhinaca Alshabaab oo ku aadan weerarka ciidamada dowladda ay kula wareegeen degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeellada hoose.