
Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii maanta lagu waday in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ee horay ay ugu balameen maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in Shirka uusan baaqan ee uu furmi doono maalmaha soo socda, islamarkaana maanta Magaalada ay kusoo wajahan yihiin Wafuud kala duwan.
Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maalmihi lasoo dhaafay ay ka socdeen howgallo.
Kulankan ayaa ku balansanaa Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya iyo kuwa maamul goboleedyada taasoo la doonayey in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka