Ciidamada Dowlada Iyo Alshabab oo Ku Dagaalamay Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo

0
83

Dagaal geystey qasaaro ba’an ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Itoobiya oo kamid ah AMISOM & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya ku leeyihiin dhanka Bari ee buundada degmada Buurdhuubo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ku dhow saacad.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Buurdhuubo ee Gobolka C/raxmaan Cabdullaali Cali ayaa sheegay inay ka warhayeen xogta weerarka kaag soo wajahan Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay iska difaaceen Ciidamada Dowladda & kuwa Itoobiya khasaarana ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale Al-Shababa weeraro uga geysteen degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, hayeeshee Ciidamada Dowladda & Ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.