Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wali rasaas laga maqlayo Hotel Elite dhexdiisa kaasoo ay weerartay kooxda Al-Shabaab.
Hotel-ka ayaa la sheegay inuu leeyahay wasiir dowlihii hore ee maaliyadda ee dowladdu hore, haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Dad goon joogayaal ah ayaa Daafeet media u xaqiijiyay in ilaa toban qof ay arkeen meydkooda, halka in kabadan soddon qofna ay dhaawacmeen.
Dadka ku dhintay weerarka waxey isugu jiraan dad shacab ah iyo shaqaale dowlad. waxaana ku jira sida la xaqiijiyay Cabdirisaaq Cabdi Cabdullaahi oo idaacadda Radio Muqdishu u qaabilsanaa xiriirka gobollada.
Khasaaraha ayaa intaasi ka badnaan karo, maadaama aanan si rasmi ah loo soo afjarin howlgalka ciidanka dowladda ay ka wadaan Hotelka.
Waxaa sidoo kale suuragal ah in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay ku jiraan masuuliyiin ama shaqaale ka tirsan dowladda maadaama hotelka uu ahaa mid inta badan ay ku nasan jireen das badan oo ay ku jiraan masuuliyiin.
Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa iyo weerarka daba socday, iyagoo sheegay inay ku bartilmaameedsadeen maauuliyiin ka tirsan dowladda.
Fadlan ku xirnow Daafeet Medi si aad u ogaato wixii kusoo kordha warkan.