Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inuu haatan shir gooni u socdo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kaas oo ah mid saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.
Shirkan saddex geesoodka ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa caqabadaha hortaagan furitaanka wejiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb.
Wararka qaara ayaa sheegaya in shirka sababta uu u furmi la’yahay ay tahay maqnaasha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo aan weli tegin caasimada Galmudug.
Tan iyo xalay ayaa waxaa mashquul badan laga dareemayaa madaxtooyada maamul goboleedka Galmudug oo ku wada hoydeen Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo shalay gaaray magaaladaasi.