Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay maanta weerar ku bilaawday qarax ku qaadeen saldhiga Ciidamada dowladda & kuwa Koonfur galbeed ku leeyihiin degaanka Goof-gaduud Buureey oo qiyaastii 30km u jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Dadka deegaanka ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in degaanka Goof-gaduud Buureey uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo kuwa Koonfur galbeed oo dhinac ah iyo Al-Shabaab,isla markaana ay maqlayaan dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayaan.
Warar horudhac ah oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaasi qaraxa ku bilaawday ee degaanka goof-gaduud Buureey.
Al-Shabaab ayaa war kasoo baxay waxaa ay ku sheegeen inay la wareegeen Saldhiga Ciidamada ee degaanka goof-gaduud Buureey, kadib markii ay ku qaadeen weerar ku bilaawday qarax ismiidaamin ahaa.