Aqriso: Qoraal Kasoo Baxay Maamulka Jubaland oo Ka Hadlaya Sababta ay Shirka Dhuusamareeb Uga Baaqdeen

0
97

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa qaadacday ka qeyb-galka shirka Dhuusamareeb 3 ee hadda loo fadhiyo, waxayna dalbatay in beesha caalamka ay kaalin ka qaadato sidii shirkaas uu u qabsoomi lahaa “ayada oo loo dhan yahay.”

Qoraal kasoo baxay Jubaland ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka ah inay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo lagu carqaladeynayo qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 2 iyo hirgelintooda, sida hadalka loo dhigay.