Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamul goboleedka Jubbaland Maxamud Sayid Aadan ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo taas oo waxyeelo ka soo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baledxaawo.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu xusay degaanda gobolka Gedo oo amaan ahaa in dowlada federaalka ay ku daabushay ciidamo kala duwan, isla markaana ay sugi wayday Amniga shacabka.
Deegaanada kala ah Baladxaawo, Dolow iyo Luuq intii ay ku Jireen gacanta Jubbaland ayaa waxaa ay ahaayeen deegaamada Jubbaland ugu nabada badan balse tan iyo markii ciidanka dowlada Federaalka Soomaliya la geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa muuqanaayey xaalado amni xumo oo ku soo kordhay gobolka Gedo.
Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka jubaland ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqayaa amnidarada baahsan ee kusoo korortey deegaanadaas tan iyo intii ciidamada dowlada la geeyey.