Bananbax Looga Soo Horjeedo Kufsiga oo Ka Dhacay Magalada Baydhaba

0
90

Boqolaal shacab ah oo sameynayey banaanbax ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Banaan-baxa oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa looga soo horjeeday Kufsiga caruurta yar-yar, gaar ahaan wiilal la sheegay in dhowaan lagu fara-xumeeyey gudaha magaaladaasi.

Dibad-baxayaasha oo isu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa watay boorar iyo sawirro ay ku muujinayaan sida ay uga xun-yihiin dhacdadaasi.

Sidoo kale dadka qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa ku taageeray Koonfur Galbeed go’aankii ay ku toogatay labo nin oo lagu soo eedeyey falkaasi, kuwaas oo sida la sheegay qirtay.