Guddiga gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Baledweyne ayaa sheegay iney soo afjareen wajiga koowaad ee la tacaalista iyo ka hortagista biya xiraanka fatahaadda Wabiga Shabelle.
Goobaha biya xireenka laga sameyay waxa ka mid ah tuulada Hilikilyo oo dhacda duleedka dhinaca waqooyi ee magaalada Baledweyne halkaas oo aheyd meelaha sida ugu fudud uu wabiga Shabelle karkaarada uga jabsado.
Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo ah guddoomiyaha guddiga gurmadka Fatahadaha Baledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay iney ku guuleysteen wajigii koowaad ee biya xireenka Hilikilyo, ayna ku xijinayaan tuuloyinka Qooqane iyo Guryo-cadde.
Guddigan ku howlan la tacaalista iyo ka hortaga fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle ayaa sameynaya Carro tuuro waaweyn oo ay dhigayaan goobaha qararka wabiga uu ka jilicsan yahay ee uu ka sameyn jiray fatahaadaha.