War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 20/8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ,isla markaana ay la beegsadeen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab, sida uu sheegay Madaxa howlgallada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Jeneraal Joel Tyler.
Taliska Mareykanka ee Africom iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya, balse ay u baahan tahay inay siiso fursad dadka Soomaaliyeed.