Akhriso: Qoraal ay si Wadajir ah usoo Saareen Maamulada Puntland iyo Jubaland

0
65

Maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen ku qaadacay qodobadii 21-kii bishan kasoo baxay shirka Dhuusamareeb 3 ee looga heshiiyey arrimaha doorashooyinka dalka.

Qoraalka ay soo saareen ayey ku sheegeen in Madaxweynayaasha Dowladaha Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaan iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay 21 August 2020 shir khadka telefoonka ah kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dalka Soomaaliya.