Alshabaab oo Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo Ku Toogtey 4 Wiil oo Dhalinyaro ah

0
287

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ay ku toogteen Afar ruux oo ay u jeediyeen Eededyn kala duwan iyo inay la Shaqeynayeen dowlado Shisheeye.

Afarta Ruux Diini ayaa waxaa ay kala ahaayeen Cabduqaadir Maxamed, Ciise Cismaan Geelle, Cabdi Casiis Xassan Cabdi, Aadan Xassan.

Afartan ruux oo ay maanta toogteen Alshabab ayaa dhamaantood waxaa ay ku eedeysanaayeen in ay la shaqeynayeen sirdoonka ciidamada dowlada federaalka somaliya taasoo aan jirin waxxaqiijinaya.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa meelo kamid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan.