Weerar hoobiyeyaal ah ayaa xalay lagu qaaday saldhiga Ciidamada AMISM ku leeyihiin Xaafada Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegey in hoobiyeyaasha, kadib uu jiray dagaal toos ah oo socday ku dhawaad saacad, kaasoo dhex-maray Ciidamada AMIOSM iyo Al-Shabaab.
Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo gurmad u ah Ciidamada AMIOSM ayaa tegay Xaafada Arbacow, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka Hoobiyeyaasha iyo dagaalka tooska ahaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada AMIOSM ee Xaafada Arbacoow ee Ceelasha Biyaha.