Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay hannaanka doorashada ee ka soo baxay Dhuusamareeb III waxayna u aragtaa hannaankaasi inuu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah si loo qabto doorasho kudhacda waqtigeeda oo loo dhan yahay.
War kasoo baxay Madasha ayaa sheegay in ay muhiim tahay xalinta tabashooyinka ay qabaan maamulada Qaar.
Sidoo kale Madasha ayaa tilmaamtay in heshiiska Dhuusamreeb 3 in uu weli u baahan yahay dhameystir wada-ogol ah sidii horey loogu madlanaa.