Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa maanta ka dhacay degaanka lambar 60 ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo uu dhex-maray Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee degaanka lambar 60, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad.
Dad Goobjoogayaal oo halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.