Wararka aynu ka heleyno laga degmada Walanweyn ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu Maanta ka dhacay qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa hoose ee Dagmada Wanlaweyn, kaasoo la sheegay in ay ku dhinteen laba Ruux oo Shacab ah qof kalena uu ku dhaawacmay.
Weli macadda cidda lala damacsanaa qaraxaasi, waxaana xilliga uu dhacayay qaraxa Suuqa uu ahaa mid mashquul badan oo ay ka socdeen howlo Ganacsi, isla markaana dadka ku nool degmada Walanweyn ay u dukaameysi tageen.
Maamulka Dagmada Walanweyn ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay degmadaas, iyada oo ammaanka maalmihii la soo dhaafay la sheegay in uu aad u xumaa.