Siday u dulundulcoonaysay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation (SMC) saanqaadkeeda Dunida oo waddamo dhawr ah cagta soo marisay awoodda Alle dartii, waxaa ay ugu dambayntii hoygiisa ku booqatay wariyihii waynaa qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Aweys Muuddey oo ku magac dheer (Boqorka Bartamaha) daggan magaalada Darmstadt u dhow Frankfurt ee dalka Jarmalka.
Rugcaddaaga badda ah suxufiga heerka caalami Boqorka Bartamaha oo dunida caanka ka ah, gaar ahaan geeska Afrika kana soo shaqeeyay in badan warbaahinta qaranka Radio Muqdisho, islamarkaana masraxyada ku taqasusay bandhigyadii fanka iyo suugaanta xiliyadii dowlladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, ayaa si akadeemig soojidasha leh uga sheekeeyay waayihiisi taariikhda weriyayaashii iyo fanaaniintii dalka inta nool iyo inta dhimatayba Maayga iyo Maxaga suugaantooda hodanka ah, waxaana uu ku nuuxnuuxsaday ee uu yiri “jacaylkii hore iyo ka maanta ismalaha’” iyada oo uuna carrabka ku dhiftay, Soomaaliya kaliya inaysan dowlladdeedi burburine, balse wax waliba ay dhulka galeen waxba aanay jirin haatan, taaso ruux kasto caaqil ah uu fahmi karayo dulucda hadalka suxufigan wayn waaya-aragga ah Mudane Maxamed Aweys Muuddey (Boqorka Bartamaha) oo canjalado farabadan codkiisu ay ka sharqamayaan adduunyadan guudkeeda maantadan la joogo, taasoona tusinaysa ruux waliba, in magaca koofaarta Boqorka Bartamaha aanu bilaash isaga iman, balse aftahan-nimada ee uu Eebbe ku manaystay, miskexda iyo waddaniyadda dal-jacaylka ku beeran minnallaahida ah, ay horseedday, in ereyada afkiisa ka soo baxaaya aan laga caajisin qalbiga ummaddu uu dago, lagana aqoonsado durba dhawaqa magaciisi badi dadka intaasa kale isku jinsiga Soomaaliga yihiin.
Warbaahinta SMC ee uu madaxda ka yahay Mudane Yaasiin Abiikar, afhayeenna ka yahay wariye sare Maaxiye C/Nuur Yusuf oo wareysi dheer u muuqanayay inuu yahay midaan laga caajisin la yeelanaysay Boqorka Bartamaha, waxaa ay ku xaqiiqsatay, in Wariye qaran Mudane Maxamed Aweys Muuddey uu yahay dadkii hore dalka Soomaaliya waqti badan u soo shaqeeyay kaalin mug lehna uu ku leeyahay kobcinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Sido kale, SMC waxay la-kulanka Wariye Maxamed Aweys ku ogaatay, inuu yahay abwaan buuxa, lehna heeso ka mid ah heesihii hirgalay ooy qaadaan fanaaniin caan ah geeska Afrika laga garanayo, iyado oo heestiisi ugu dambaysayna miraheeda kamaradda horteeda uu ku qaaday, taaso lagu magacaabo (AY-Ooto) oo sida runta ah u baahan fasiraad dheeri ah iyo fahan xeel dheer, aadna mooddo inay wadciga nololeed ee Soomaaliya iyo Soomaalida baaliyooday barbar bukaasaysa, misna baritaaraysa, si surimadan sagagaran ay ku silloon yihiin si uun uga degelrogtaan, waa haddiiba la badbaadin karayo dabaadigii haray loogana kaxeeyo ommoska iyo hirtaanyooyinka shisheeyaha cidladan into ku kambadhuudhsadeen, dhabanahays iyo yaabka, ay illintu ka wada qubanayso da’ kastaba, qaarka gudaha joogana kaalmooyinkii loo dhuray, ay dib isugu dhibaataynayaan isla ayagii.
Ugudamyntii, Suxufi sare Mudane Maxamed Aweys Muuddey (Boqorka Bartamaha) waxaa uu fariin naxariis leh dareen culus Soomaalinimo iyo Islaamnimo ay ku jirto uu hawada u soo marshay ummadda Soomaaliyeed meel walboy joogaan, isagoona ugu baaqay inay qabyaaladda iyo is-faquuqa ay joojiyaan, gacmaha intay iska qabsadaan dalkoodu ay u dad noqdaan, aadna isu-jeclaadaanoy isna ixtiraamaan, si looga gudbo dhibaatooyinka dabada dheeraaday, lana yaabeen Gaal iyo Islaamba.
Se Boqorka Bartamaha haddaad maqasho iska bacaacna ma aho ogaada ee waa baxaru-sitiin warku u buteeri leh amar Alle laakiin!!
By: Adam Increase