![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2020/08/gor-g.jpg?resize=540%2C321&ssl=1)
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala wareegtay gaadiid dagaal oo loogu tala-galay inay ku howl-galaan ciidanka dowladda.
Gaadiidkan oo gaaray illaa 12 baabuur ayaa waxaa loogu tala-galay inay isticmaalaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor gaar ahaan guutada saddexaad.
Baabuurtan ayaa ah kuwa loo adeegsado dhulka aad u adag, waxaana loo adeegsan doonaa howl-gallada Milatari ee ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.
Turkiga ayaa Soomaaliya kaa caawiya dhinacyo dhowr ah oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.