Xaalada Degmada Afgooye oo Noqotey Mid Laga Deyrinaayo Una Baahan Gargaar Deg Deg ah

0
141

Warar aynu ka heleyno degmada afgooye ayaa sheegaya in xaalad aad u fool xun ay ku jiraan shacabka Afgooye tan iyo intii uu ku fatahay webiga shabeele, waxaa weli magaalada dhex yaala biyo aad u fara badan oo weliba isu bedeley wasaq meelaha qaarkoodna ay adag tahay in la maro.

Fatahaada webiga ayaa la sheegayaa in ay dhibaato kasoo gaartey in ka badan 9 kun oo qoys kuwaas oo intooda badan guryahooda kaga soo cararey biyaha kusoo fatahay, fatahadan ayaa gaartey inta badan tuulooyinka ku dhow dhow degmada Afgooye.

Xiriiri aan la sameyney qaar ka tirsan shacabka degmada ayaa inoo sheegyn in wasaqdii musqulaha iyo kuwii webiga ay isku furmee qeybo ka mid ah magalada aan loo marti karin urta kasoo baxeysa biyahaas, mana jirto wax howl ah ay ka qabteen maamulka degmada

Dhowr mar waxaa isku deynay in aan la xiriirto maamulka gobolka oo uu ugu horeeyo gudoomiye Najax iyo gudoomiyaha degmada Afgooye si aan uga wareysano xaalada ay shacabka ka deyrinayaan ee ka jirta degmada balse waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee shacabka degmada Afgooye waxaa ay u baahan yihiin in laga caawiyo dhinacyo badan ha noqoto dhinaca caafimaadka iyo welliba dhinaca gargaarka biniaadanimo, Dadkii masuulilyiinta ahaa ee howlahaasi qaban lahaana meesha kama muuqdaan taasoo micnaheedu tahay Reer afgooye adiga isku tasho.