Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo Maanta Shariif Xasan Kusoo Dhaweeyey Airporka Aadan Cade

0
95

Hogaamiyihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isagoo tan iyo 2018-kii kolkii kursiga laga ceyrsadey ku sugnaa dalka dibadiisa.

Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey siyaasiyiinta beelaha hawiye ee ku jira aqalka sare iyo aqallka hoose iyo wasiiro.

Ujeedka uu shariif Xasan dalka ugu soo laabtey ayaa ah mid uu damac siyaasadeed ka leeyahay siduu siyaasada bananka laga dhigey dib ugu soo noqon lahaa isaga oo la filaayo in uu ka qeyb qaato doorashaa ee 20/21.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa wax lala yaaba ah in shariifka oo intaas lugooyo ah u geystey shacabka koonfur galbeed in maanta uu mar kale damco in uu dib ugu soo laabto siyaasada dalka isla markaana ay jiraan qaar badan oo reer koonfur galbeed ah oo durbaan u tumayaan, Taasina waxaa ay cadeyneysaa dhoohsanaanta reer koonfur galbeed iyo isla xisaabtan la,aanta ka jirta halkaas.