![](https://i0.wp.com/www.daafeet.com/wp-content/uploads/2020/08/maxmed.jpg?resize=539%2C539&ssl=1)
Waxaa malintii shaley ku geeryoodey magalada wininbeg ee dalka canada wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Yusuf abikar oo ay kooxo hubeysani si gardaro ah ugu dileen magalada winingbeg.
Wiilkan dhalinyada ah ayaa waxaa uu u dhintey dhaawac kasoo gaaraey xabado loogu furey qeybta kore ee jirkiisa, Dhacdani ayaa dhacdey habeenkii arbacada oo ay taariikhdu aheyd 26/08/2020.
Xiriiray waalidiinta wiilkala sameeyeen boliiska magalada wininbeg ayaa waxaa ay u sheegeen in ay ku daba joogaan ragii dhibkaasi geystey maalamaha soo socda ay ka bixin doonaan warar dheeraad ah qaabka ay wax u dheeceen.
Dhinaca kale soomaalida ku nool magalada wininbeg ayaa aad uga carooday dhacdan wexeyna shegeen in ay boliiska kalashaqeyn doonaan sidii lagu heli lahaa dadkii ka dambeeya dilka wiilkan dhalinrada ah.
Hadeynu nahay bahda daafeet media waxaan leenahay ilaalahy ha u naxariisto janadii fardowsana ilaahay haka waraabiyo intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ilaahay haka siyo.