Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka socda shir u dhaxeeya Jubbaland, Puntland iyo Safiirka u qaabilsan Mareykanka Soomaaliya.
Kulankaan oo ah mid ay Albaabadu u xiran yihiin waxaa diiradda lagu saaraya Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale kulanka lagu waddo in uu dhexmaro Farmaajo iyo labada maamul goboleed.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Dani ayaa maanta soo gaarey magalada muqdisho si ay kulan ula yeeshaan madaxweynaha dowlada federaalka, Kulankaas oo garwadeenka ah safiirka dowlada mareykanka.
Labadan masuul ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud.