Madaxtooyada oo Ka Hadashay Kulanka Farmaajo, Dani iyo Axmed Madoobe

0
55

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furi doona wadahallada arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland.

Kulankaan oo horay loo sii qorsheeyay, waxaa si hordhac ah uga hadlay agaasimaha madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed kaas oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook.

HALKAAN KA AKHRISO WARKA AGAASIMAHA:

Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland.

Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay.

Waxaan rajaynaynaa in ay kasoo baxdo natiijo wanaagsan oo ay saldhig u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho waqtigeeda ku dhacdo Insha Allaah.