Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) Xassan Sheekh Maxamud ayaa hoygiisa kusoo dhoweeyay madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga Muqdisho.
Kulanka soo dhaweynta madaxweynaha puntland ayaa waxaa kaloo ayagana lagu marti qaaday xunboka tirsan hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka sida Guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xassan Sheekh Aaden, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Xidlhibaan Suleyman Mohamud Hashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cbdirahman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan Mohamed Abdirahman Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.
Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan, iyada oo kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha mucaaradka uu ahaa mid uu kala tashanayay arrimo la xiriira kulanka uu la yeelanayo Madaxweyen Farmaajo.
Kualanka Madaxweyne Dani iyo xisbiyada mucaaradka ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili uu maalintii shaley madaxweynaha puntland soo gaaray magalada muqdisho si uu kulan ula yeesha madaxdadowlada federaalka.