Qaramada Midoobey oo Sheegtey Inay Shir u Qaban Doonto Madaxda Maamul Goboleedyada iyoDowlada Federaalka

0
72

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay kulan heersare ah u qabanayaan Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka kajira, kaasoo lagu maamuusayo sanad-guuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaasha Adduunka oo ay kamid yihiin hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya, iyada looga hadli doono mustaqbalka waxa laga doonayo inay qabtaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka dooneyso hoggaamiyeyaasha Siyaasadda xaqiijinta balan qaadeed ee wadajirka ah oo ay sameeyeen si loo helo suurtagalnimada in fuliyo balan qaad yadaas.

Inta uu kulanka socdo ayaa waxaa la filayaa in Dowladda Federaalka iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya inay isla cadeeyaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo qayb ka ah Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025.