Duqeyn Lala Beegsanayey Horjoogayaasha Alshabab oo ka Dhacdey Degmada Jilib

0
85

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa waxaa ay ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kasoo lala bartilmaameysanayey Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay induqeyntani si sigaar ah loola beegsaday Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo duqeyntaasi lagu dilay kaasoo ahaa Madaxa Amniga degmada Jilib ee Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xilliga duqeynta ay dhaceysay ay jireen kulamo u socday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, hasa yeeshee aysan jirin faah faahino rasmi ah oo laga bixiyay duqeymahaas.

Duqeyntan oo ay fuliyaan diyaaradaha darooneysta ciidama Africomayaa inta badan waxaa ay ka socotaa gobolakaJUbada Dhexe, Jubada Hoose iyo weliba gobolka shabelaha hoose kaasoo inta badani lala beegsado ciidamad Alshabab