Madaxweynaha Maamulka Puntland oo La Kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare

0
65

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xarunta Aqalka Sare waxaa uu kula kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa Xarunta Aqalka Sare u tegay la kulanka Guddiyada Joogtada si uu ugala hadlo arimaha doorashooyinka ,marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan wax yaabihii golaha u qabsoomay mudadii ay xilka haayeen.

Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Arrimo la xiriira dhinaca doorashooyinka oo weli khilaaf uu ka taagan yahay.

Aqalka Sare oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay khilaaf adag kala dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Madaxtooyada, taasoo keentay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu dhowr jeer eedeyn u jeediyo Madaxweyne Farmaajo.