Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen 7 Saldhig oo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan yihiin, kuwaas oo kala ah, Arbacoow, Lambar 60, Buufoow Bacaad, Awdhgeele, Danoow iyo Janaale.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegey inay iskla difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.