Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhow tegay xarunta Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Axmed Madoobe ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa labaad.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka, siiba dooda ka taagan.
Sidoo kale waxaa la filayaa shirka kadib in Madaxweynaha Jubbaland uu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee maanta, kaas oo su’aallo ay ku weydiin doonaan Senatorada.