Dadaallo Muqdisho lagu keenayo saddexda madaxweyne goboleed ee ka maqan ayaa socda, si ay ugu soo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku adkeysteen in shirka uu noqdo mid ay u dhan yihiin dhammaan maamul goboleedyada dalka, waxaana lagu warramayaa in madaxweyne Farmaajo uu tanaasulay oo uu aqbalay.
Qodobkan ayaa ka mid ahaa laba qodob oo ay dalbadeen Axmed Madoobe iyo Deni, oo midka kale uu ahaa in ciidamada dowladda laga saaro Gedo, taasi oo mabda’ ahaan ay dowladda aqbashay.
Qorshaha ayaa marka hore ahaa in madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe iyo Deni ay dhameystiraan oo kaliya heshiiskii Dhuusamareeb 3, hase yeeshee Deni iyo Axmed Madoobe oo isku dayaya in heshiiskaas laga soo qaado “waxba kama jiraan” ayaa dalbaday in shir cusub oo loo dhan yahay la galo.