Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Xukunaddii dhawaan dhacay ee Musuq-maasuqa ay kor ay u qaadeen sumacada dalka.
Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda cadaalada ayaa sheegay in hay’addaha cadaalada iyo garsoorku yihiin kuwa la rabo inay ku dadaalan Cadaaladda, si loo dabar gooyo musuq maasuqa aafeeyay Soomaaliya.
Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan aduunka, wuxuu sheegay in sannadkan ay sameeyeen bahda Cadaalada la dagaalankii ugu xoogana ee dhinaca Musaqa.
Dhowaan, maxkamada gobolka Banaadir ayaa xabsiyo dhaadheer ku xukuntay masuuliyiin katirsan hay’addaha dowladda oo lagu helay inay musuq maasuq iyo ku tagrifal ku sameeyeen hantida dadweynaha.