Hogaamiyeyaasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa maanta tegaya magaalada Baydhaba oo ay kulan wada-tashi ah kula yeelan doonaan hogaamiyaha maamuka Koonfur Galbeed.
Saddexda hogaamiye ayaa ka hadli doona waxa ay ka yeeli doonaan casuumad uga timid Muqdisho oo ah inay kusoo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo midka hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud ka dhigay in shirka Muqdisho ay kusoo biiraan Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Waare, si heshiis buuxa oo loo dhan yahay looga gaaro arrimaha doorashada.
Seddexdan hogaamiye ayaad moodaa n looga adkaaday maareynta siyaasada dalka maadaama aysan isugu xirneyn sida ay isugu xiran yihiin hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland.