Hay’ada Biniaadanimada ee QM oo Sheegtey In Ka Hortaga Fatahada Somaliya Aysan Dhaqaale u Heyn

0
96

Hay’adda gargaarka bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaale yarida sii socoto ay caqabad ku tahay wax u qabashada nafaha lagu badbaadiyo ee daadadka ka socda Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in guddiga la-talinta ee Sanduuqa Aadminimada Soomaaliya (SHF) ay ansixiyeen qoondeyn 9 milyan oo doollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay meelaha ugu daran ee daadadka ay saameeyeen.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), in ka badan 650,000 oo Soomaali ah ayaa lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda tan iyo bishii Janaayo sababo la xiriira daadad iyo fatahaado wabiyadeed oo ka dhacay guud ahaan Soomaaliya.

Qiimeyn deg deg ah oo la sameeyay bishii Ogosto waxay muujineysaa in bulshooyinka ku nool Hirshabeelle iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka mid yihiin kuwa ugu daran.

OCHA, waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ee soo barokacay ay hadda ku nool yihiin guryo cariiri ah, oo ka sameysan dhar duug ah, baco, kartoono iyo ulo oo horeyba ugu xumaa nolasha Barakacayaasha (IDP).